Gu’yaal jire fananaya ama fidsan oo geed hoosaad ama geed gaab ah; jirrid dhawr mitir dhereren. Caleemo talantaalli ah, oo kala qaybsan, hareerahana ka siman. Ubax godad hurdi ah leh. Midho leh iniinyo madaw iyo gas caddaan ah.
Sabo: Geed qoryeedka kulanka ee xilli walba cagaarka ah, joog ah 1300 – 1700 m.
Filiqsanaanta: Ku baahsan Afrika laga soo bilaabo Itoobiya illaa koonfur Afrika iyo Madagasgar.